Macallinka

Halkan waxaa ku diyaarsan casharrada afka hooyo ee loogu talagalay ardayda fasallada 7 - 9:aad ee dugsiyada dhexe. Casharradani waxa ay ardayga ka caawinayaan barashada luqadda afkooda hooyo, dhaqankooda iyo cilmiga bay’adaba.

Casharradani waxa ay u qoran yihiin si sheekooyin ah oo uu ardaygu ka heli karo cilmiga aan kor ku soo xusnay.

Casharradani waxa ay ardayga ka caawinayaan fahmidda qoraalka kuwooda fudud iyo kuw adagba. Cashar walibaa waxaa uu wataa laylisyo kala duwan oo loogu talagalay in uu ardaygu ka jawaabo barashada casharrada ka dib.

Macallinku waa in uu marka hore hubiyaa in uu ardaygu fahmo ereyada adag ee casharrada ku jira, macallinku waxa uu isticmaali karaa qalabyada kala duwan ee dugsiyada laga helo sida smartboard, kombuyuutarda iwm,. si aay ugu fududaato sharraxaada casharrada, una sahasho in uu ardaygu si fudud ku fahmo. Casharradu waxa ay wataan sawirro kaabaya fahmida casharka.

Macallinku waa in uu qiimeeyaa ugu dambaynta hadba sida uu ardaygu u fahmay ugana jawaabay su’aalihii la waydiiyay cashar waliba ka dib. cashar walba jawaabihiisa waxa laga helayaa bogga macallinka.

Mahadsanidiin.